Taliska Booliiska oo sheegay in ay bilaabayaan baaritaan la xiriira dilkii Almaas Elman ee ka dhacay xerada Xalane
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Taliska Booliiska
Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan la xiriira qaabkii uu dhacay
dilka galinkii danbe ee shalay gudaha xarunta Xalane loogu geystay Almaas Elman
oo aheyd gabar u dhaqdhaqaaqda Nabadda iyo Diblomaasi hore.
Taliyaha
Booliiska Soomaaliya Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in hay'adda Dabi
-Baarista CID bilaawday baaritaanka arintan ku saabsan si loo ogaado dilka
iyo ciddii ka danbeysay intaba oo ilaa iyo hadda aan wax war ah laga
heyn.
Goobta dilkan uu ka dhacay ee Xalane ayaa ah xarun siweyn
Amaankeeda loo ilaaliyo oo ay degan yihiin safaarradaha iyo hay'addaha
caalamiga ah ee ka howlgala dalka, waxaana toogashadan loogu geystay
Almaas Elman oo aheyd Diblomaasi horey shaki weyn ku abuuri kartaa
nabad-galyada xarunta.
Almaas waxaa dhalay Alle ha u naxariisteen Elman Cali
Axmed oo ahaa shaqi u dhaqdhaqaaqa Nabad-galyada iyo Aas-aasihiii hay'addan
caan baxday ee '' Elman'' waxaana la dilay sanadkii 1996dii, wixii xiligaan ka
danbeeyayna waxaa howsha sii waday qoyskiisa, gaar ahaan Gabdhaha uu dhalay,
sidoo kale Almaas waxaa ay walaalo yihiin Ilwad Elman oo hadda u sharaxan
Billada Nobel -ka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]