Madaxweyne Biixi oo daahfurey tobabar la siinayo dhallinyaro loo carbinayo Saraakiil Ciidan
Arbaco, November 20, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee
duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu
tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil
ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.
Munaasibadda lagu furayo
tabobarkan oo ka dhacday kuulliyadda tabobarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar,
ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada
Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga,
waxana laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee
la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan oo qaybo ka mid ahi yihiin ardaydii
dhawaan ka baxday Barnaamujka shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay.
Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca
Tabobarrada u qaabilsan ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah
kuulliyada tabobarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay
hoggaan ahaan u galeen in dalka laga hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta
jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxana ay shaaciyeen
inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee
dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas
da’ da yar.
Taliyaha ciidamada militeriga
Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay
fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamujka
Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo,
waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay
nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen.
Taliyuhu waxa uu nasiib iyo hoodo
gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan
dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii
dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba.
Wasiirka wasaaradda
Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isaguna
dhankiisa guul qaranku gaadhay ku tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo
jaamiciyiin ahi kusoo biireen ciidamada kala duwan ee qaranka, islamarkaana
dalkooda gudihiisa loogu carbinayo Sarkaalnimo.
Madaxweyne Biixi ayaa
dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la
xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid
noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa
uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan
jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu
yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka
iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona
ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”
Dhinaca kale, waxa uu
madaxweynuhu kormeer ku sameeyey goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee
loo diyaariyey saraakiisha dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo
xarun loo dhisay dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.