4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Kulan xiligan magaalada Muqdisho uga socda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Waxaa xiligan magaalada Muqdisho shir albaabada u xiran yihiin ku leh madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada dhinac  ayaa ku bilaawday Qado, iyadoo intaa kaddibna lagu wado in la gudagalo kulanka rasmiga ah iyo ka hadalka ajandaha shirka iyadoo diirada la saarayo arrimaha siyaasadda dalka iyo sida lagu wajahayo.

Qoddobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka oo ay warbaahintu heshay ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u  noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo  aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah,  Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo  mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo  doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan, Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan,  Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u  yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha  dadka,  In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareer marsanaa.

Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa ugu danbeyntii in ay war ka soo saarto kulanka oo siweyn isha uga wada hayaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo la ogyahay khilaafka sii xoogeystay maalmihii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya dowladda iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu waaweynaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]