Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa Goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay wadajir ah oo ay leeyihiin xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankan oo noqonaya kiisii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada Aqal ayaa waxaa wadajir u guddoominaya Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.
Sidoo kale Kulanka Maanta ayaa ku furmay 171 mudane oo ka kala tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020-ka.
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marar badan oo hore waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay, laakiin markii danbe lagu xaliyay kulan wadajir ah oo ay madaxweyne Farmaajo la qaateen labada guddoomiye ee Labada Aqal ee Baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]