4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2019
WHO oo raadineysa taageerro maaliyadeed oo dhan ah 1.38 M oo dollar

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Hay’adda caafimaadka dunida WHO ayaa sheegtay Talaadadii shalay ay u baahan tahay lacag dhan 1.38 M oo dollar oo dheeraad ah si sare loogu qaado joogteynta gargaarka la gaarsiinayo dadka ay Fatahaaddu saameysay ee Soomaaliya

Haya’dda ayaa sheegtay in roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dhulka sare ee Itoobiya ay sababeen sare u kaca biyaha Wabiga Shabeelle oo saameyn ku yeeshay 539,888, isaga oo sidoo kale horseeday barakaca 370,000 oo qof.

‘’Waxaan qorsheyneynaa in aan gaarno dad dhan 450,000 oo ka mid ah dadka ay sida ba’an Fatahaaddu u saameysay saddexda bilood ee soo socta’’ sidaa waxaa yiri Sk Md Mamunur Rahman Malik oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya

Fatahaadda ayeey sidoo kale sheegtay hay’addu in ay ku dhiteen ilaa 25 ruux, halka 47 kalana ay wax-yeelo ka soo gaartay.

Meelaha ugu daran ee Fatahaaddu ku dhufatay ayaa waxaa ka mid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne oo dhamaanteed ay saameeyeen dadaadka.

‘’Biyuhu hadda si dhaqse ah ayeey u laabanayaa, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in kaalmo deg deg ah si looga hortago cudurro dadka soo food saari kara’’ ayeey hay’addu sheegtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]