4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2019
Shacabka Sidama oo saakay u dareeray goobaha cod bixinta

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Shacabka Gobolka Sidama ee Itoobiya ayaa saaka u codayn doona inay noqdaan Ismaamul gaar ah oo ka go'an degaanka Shucuubta Koonfureed.

Haddaba saaka xilli hore ayay shacabka qowmiyadda Sidama isugu soo baxeen goobaha cod bixinta, iyagoo qaarkoodna ay habeenimadii xalay u baryeen goobaha codbixinta.

Cod bixinta oo lagu kala caddeeyay labo sawir oo ah dhiil iyo goojo ayaa u taagan Dhiisha waanu ka go'aynaa degaanka Shucuubta Koonfureed iyo Goojada ama Aqal dhaqameedka oo u taagan degaankayaga ayaanu kasiitirsanaanaynaa.


Qowmiyadda Sidama ayaa hadday degaan gaar ah noqdaan waxay noqonayaan degaanka 10aad ee dalka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan inay cod bixinta ka qayb qaadanayaan Madaxdii hore ee Degaanka Shucuubta Koonfureed.


Hiiraan Online