3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Kulan maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

 

Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubno ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaa oo loogu gogol xaarayay kulan maalinta berri ah lagu wado in magaalada Muqdisho uu ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Xubnaha dhinaca Dowladda Federaalka kulanka ku matalayay waxaa hoggaaminayay taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin halka dhinaca Madasha Xisbiyada Qaran uu hoggaaminayay xoghayaha Xisbiga Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Warar hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in kulanka uu hor dhac u ahaa kulan weyn oo la filayo in maalinta Arbacada ah [Barri] ku dhaxmari doona Muqdisho madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed si loo soo afjaro khilaafka baahsan oo maalmihii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay labada dhinac.

Shirkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu daba socdo Kulan Jimcihii dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif kaasoo looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac iyo sidii looga wada hadli xalinta tabashada madaxdii hore ee ku aadan xanibaad kooban oo lagu sameeyey safari ay tagayeen magaalooyin ka tirsan dalka gudihiisa.

Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si is daba joog ah ugu eedeeynayay dowladda hadda jirta ay iska idha-tireyso sharuucda dalka iyo ku tagrifal awooddeed, waxaana uu khilaafku sii xoogeystay kaddib markii madashu sheegtay in leysku hortaagay dhawaan safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/19/2019 10:37 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warka ku saabsan in dowladda Talyaaniga dib ula noqtay lacag dhan $ 6 Milyan oo dollar oo loogu talagalay in biyo xareen loogu sameeyo magaalada Beledweyne.

11/19/2019 10:14 AM EST
Talaado, November 19, 2019 (HOL )– Ergooyin kala duwan oo ay horkacayaan madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo maray ayaa kulamo la yeeshay xisbiyada mucaaradka si loo soo afjaro khilaafka xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka soo kala dhexgallay.

11/19/2019 8:58 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa si ku-meelgaar ah u joojisay kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay masaajidka ugu weyn dalkaas ee Towfiiq kadib markii Soomaalidii gacanta ku haysay ku heshiin waayeen.

11/19/2019 7:57 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Hay’ada sirdoonka Jubbaland ayaa baahisay sawirka sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

11/19/2019 6:00 AM EST
Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta la horeegayay odoroska miisaaniyadda Puntland ee lagu dhaqmidoono 2020, taasoo xalay ay meel mariyeen golaha wasiiradda. Miisaaniyaddan oo ay ka muuqatay koror xad dhaaf ah, ayaa loo qeybiyay xildhibaanada barlamaanka, si ay usoo aqriyaan, kadibna uga doodaan meel marinteeda. Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shirre Abgaal ayaa barlamaanka ka horjeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyad sanadeedka iyo isbedel kororka ah ee ku yimid miisaaniyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in mushaarka loo kordhiyay golaha wasiirada, golaha Wakiilada, Hantidhowrka iyo Garsoorka. Waxaa kaloo sheegay in miisaaniyadda loo kordhiyay adeega arrimaha amniga. Miisaaniyadda kuma cadda in mushaarka loo kordhiyay ciidamada Puntland oo aad uga cabanayay mushaarka oo yar iyo iyagoo mararka qaarkood heli waayaba. Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyay wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dowlada Puntland iyo wax ka bedelka Xeerka cashuuraha Puntlnad.

11/19/2019 4:12 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaan ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag oo dhawaan la sheegay in lagu arkay xooggagooda.

11/19/2019 12:42 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in labo dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan Cilmi.

11/19/2019 12:08 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay isku-duwihii maaliyada degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed.