4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Taliyihii nabad sugida gobolka Mudug ee Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka Hiiraan Online uu ka helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa salaadii maqrib kadib halkaas lagu dilay sarkaal ciidan oo ahaa taliyihii nabad sugida gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Xaashi Aadan Cilmi, ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay rag ku hubaysanaa bistoolado, iyadoo dilku uu dhacay xilli sarkaalku kasoo baxayay masaajid uu ku tukaday saaladii maqribka, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo aan la xidhiidhnay.

Waa sarkaal labaad oo muddo kooban gudaheed lagu dilo gobolka Mudug, iyadoo horey halkaas loogu dilay madaxii ilaalada kastamka gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdulle Hiraabe.

Kooxda falkaan geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Inkastoo waqooyiga Gaalkacyo muddo ka ladnayd dilalka qorshaysan, ayaa hadda u muuqataa inay dib usoo bilowdeen ugaarsigii lagu hayay saraakiisha ciidanka Puntland ee waqooyiga gobolka Mudug.

Taliyahaan la dilay ayaa  30-kii julay ee sanadkii 2016 madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas uu u magacaabay taliyaha nabad sugida gobolka Mudug.

Wixii faahfaahin oo soo kordha kala socda Hiiraan Online.