4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Dowladda Talyaaniga oo la noqotay mashruuc biyo xireen loogu sameyn lahaa magaalada Beledweyne

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Talyaaniga ayaa la sheegay in ay dib ula laabatay mashruuc ku kici lahaa ilaa 6 Milyan oo dollar oo biyo xireen loogu sameyn lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan;

Talyaaniga ayaa arintan ku sababeeyay kaddib markii ay  muddo sannad ah ay ka warsugaysay in loo soo gudbiyo mashruuca nooca uu noqonayo oo ay aheyd in ay u gudbiso dowladda Soomaaliya laakiin aan loo soo gudbin, waxaana ay taa keentay in ay dib dowladda Talyaaniga ula noqoto Lacagtii mashruuca ku kici lahaa.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo gobolkasi inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa laba sano.

Dadka reer Beledweyne ayaa siweyn dhibaato ugu qaba fatahaadda oo sanad walba sameeyo Wabiga Shabeelle gaar ahaan labada xili  Roobaad, iyaga oo marar badan oo hore ku baaqay in ay u baahnaan lahaayeen in xal loo helo Fatahaadda iyo biyo xireenno la sameeyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]