3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Qowmiyada Sidama ee Itoobiya oo u codeynaya afti Is-maamul

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Dadweynaha qowmiyadda Sidama ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maalinta arbacada ah u codeeyaan inay noqdaan gobol gooni u taagan – tallaabadaas oo dhallin karta xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda dalka, ka hor doorashooyinka qaran ee sanadka xiga.

Isku dayga ay qowmiyadda Sadima ku doonayaan inay is-maamul ku helaan, ayaa bishii July horseeday deganaansho la’aan socotay maalmo oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen, kuna qasabtay dowladda dhexe inay maamulka gobolka hoos geyso ciidamada federaalka.

Magaalada caasimadda goboleedka ah ee Hawassa, qaar ka mid ah shacabka ayaa ka walaacsan in xiisadahaas ay dib usoo laabtaan, hase yeeshee Cherinet Deguye oo ka mid ah dadka degan halkaas ayaa sheegay in rabshadaha ay aqbali karaan haddii aftida lagu ansixiyo in bulshada Sadima ay hesho Is-maamul.

Aftida ayaa taaban doonta arrinta Is-maamulka, oo ah aas-aaska nidaamka federaalka Itoobiya ee awood ay ayaga isku maamulaan siiya qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof.

Itoobiya ayaa hadda waxaa ka jira sagaal maamul goboleed. Datsuurka ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah ay tahay inay abaabusho afti kasta oo qowmiyad ay ku dooneyso inay ku noqoto Is-maamul.

Xitaa haddii aftidan ay meel-marto islamarkaana natiijada la aqbalo, waxay horseedi kartaa in qowmiyado kale ay qaadaan tallaabo noocaas ah, taasi oo sare usii qaadi karta xiisadaha qowmiyadeed ee dalkaas.

Ugu yaraan 10 qowmiyad oo degan koonfurta dalkaas ayaa gudbistay codsi ay ku doonayaan inay ku noqdaan is-maamul.

AFP

 













Click here
11/18/2019 1:53 PM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo kulan gaar isugu yimid uuna shir guddoominayay madaxweyne Deni, ayaa meel mariyay miisaaniyadda Puntland ay ku shaqeyndoonto sanadka 2020.

11/18/2019 12:48 PM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Beeraha dowladda Soomaaliya Saciid Xusseen Ciid oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay gudbin weyday mashruuc la doonayay in biyo xireen loogu sameeyo magaalada Beledweyne oo ay dalbatay dowladda Talyaaniga.

11/18/2019 11:09 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka Hiiraan Online uu ka helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa salaadii maqrib kadib halkaas lagu dilay sarkaal ciidan oo ahaa taliyihii nabad sugida gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

11/18/2019 9:55 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Talyaaniga ayaa la sheegay in ay dib ula laabatay mashruuc ku kici lahaa ilaa 6 Milyan oo dollar oo biyo xireen loogu sameyn lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

11/18/2019 9:42 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xayirtay telefishanka HCTV ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

11/18/2019 7:14 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Gargaarkan oo noqonaya kii ugu badnaa oo maalmahan la gaarsiiyo dadkii ka barakacay Fatahaadda magaalada Beledweyne ayeey hay'adda HARO 2200 qoysas gaarsiisay deeq laccageed oo isugu jirta Raashin iyo Lacag.

11/18/2019 6:52 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Gen:Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle ayaa sheegay in ilaaladdda gudomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu toogtay taliyaha qaybta booliska ee bariga Magaalada Hargeysa, halka askari kalena taageerayaasha xisbigu dhagaxaan la dhaceen.

11/18/2019 6:11 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Xarunta Maxkamada Sare ee dalka waxaa maanta markii ugu horeysay ka bilaawday dacwad ka dhan ah dowladda dhexe ee Federaalka taasoo horay uu Maxkamada ugu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyaha yahay Shariif Sheekh Axmed.

11/18/2019 2:29 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Kooxda UN Monitoring Group ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ku saabsan Soomaaliya, iyadoo ay kooxdu warbixinteeda kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya.

11/18/2019 2:21 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Hogaanka xisbiga WADDANI ayaa xoog ku tagay xarunta guud ee xafiiskooda magaladda Hargeysa, waxaana galbinayey taageerayaal kooban oo madaxdooda usii raacay xafiiskooda ciidanka la hor dhigay.

11/18/2019 12:25 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa xalay xabsiga loo taxaabay, waxaana xarunti guud ee xisbigoodii la dhigay ciidamo boolis ah.

11/18/2019 12:14 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mohammed Cabdi Waare oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cali Gudlaawe Xusseen ayaa xalay kulan la qaatay guddiyo ka kala socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Puntland iyo ganacsato uu horkacayay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhamaantood u yimid gurmadka dadka ay fatahaadu saameysay.

11/18/2019 12:08 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

11/18/2019 12:05 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka saakay ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in amaanka siweyn loo adkeeyay iyadoo lagu arkayay qeybo ka mid ah Isgoosyada iyo dariiqyada muhiimka ah ee magaalada ciidamo dheeraad ah gaar ahaan kuwa ka hortaga rabshadaha.