4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Hogaanka Xisbiga WADDANI oo ay la socdaan taageerayaasha xisbiga oo xoog ku tagay xafiiskoodii

 

Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Hogaanka xisbiga WADDANI ayaa xoog ku tagay xarunta guud ee xafiiskooda magaladda Hargeysa, waxaana galbinayey taageerayaal kooban oo madaxdooda usii raacay xafiiskooda ciidanka la hor dhigay.

Madaxda xisbiga WADANI oo gacmaha is haysta ayaa xoog ku jiidhay ciidankii goobta joogay, inkastoo rasaas kor loogu riday waxay toos u tageen xafiiskooda, halka ciidankii goobta joogayna taxadar badan sameeyeen oo aayar u baneeyeen halka ay marayeen iyagoon cadaadis badan saarin.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi CIrro markii uu xafiska yimid waxa uu la hadlay warbahinta, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay in laga hor joogsado xafiiskooda, waxaanu ku baaqay in dhamaan gobolada kale iskugu soo baxaan si ay u muujiyaan dareenkoodda.

“Xaq waxaanu u leenahay inaanu isku nimaadno oo xafiisyada ku shirno maanta oo kaliya maaha ee maalin walba waanu imanayna, shanta gobol ee kale ha iskugu soo baxaan”ayuu yidhi gudoomiye CIrro.

Inkastoo ciidan badan la keenay xarunta, haseyeeshee ciidanku waxay u muuqdeen kuwo iska ilaalinaya inay isku dhacaan taageerayaasha xisbiga, waxaanay daawanayeen dhoolatuska , buuqa iyo sawaxanka ay samaynayaan taageerasha xisbiga WADDANI.

Sidoo kale, gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in labadii masuul ee xisbiga ka tirsana ee xoghayihii xisbiga WADANI iyo Afhayeenkii mar dhowayd loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee Mandheera , taas oo uu xadgudub ku tilmaamay, waxanu dalbaday in xoriyadoodii loo soo celiyo.

Sidoo kale waxa mudaharaad ka socda magaalada Burco, taas oo ciidanka amniga isku dayeyaan inay dadkaasi kala dareeriyaan, waxaan la arkayey gudoomiyaha gobolka Togdheer oo gaafwareegaya goobaha dadku iskugu yimaadeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.