4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo xabsiga loo taxaabay

 

Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa xalay xabsiga loo taxaabay, waxaana xarunti guud ee xisbigoodii la dhigay ciidamo boolis ah.

Illaa xalay waxa gaaf wareegaeyy ciidamo badan, kuwaas oo loo diyaariyey inay ka hor tagaan mudaharaadka uu abaabulayo xisbiga WADDANI.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun ayaa xabsiga loo taxaabay, sidoo kale, waxa la xidhay Cabdi Ibraahim Cabdulle oo maalmihii u dambeeyey aad u dhaliilayey madaxweynaha una bixiyey naanays hadal hayn badan keentay, taas oo uu u bixiyey Ila meerayso.

Taliyaha ciidanka Booliska Gen:Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan cidii isku dayday inay samayso mudaharad aan sharciga waafaqsanayn, waxaanay uga digay dadka wadda mudaharaadka oo uu ula jeedo xisbiga WADDANI.

 

Xisbiga WADDANI ayaa isagu wali ku adkaysanaya in uu sameeyo isku soo bax, waxaanu gudoomiye Cirro cambaareeyey xadhiga masuuliyiinta xisbigiisa.

“Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo.”ayuu yidhi guodomiye Cirro.

Wadooyinkii imanayey xafiiska guud ee xisbiga waxa lagu jaray Dhagaxaan si aan xafiiska loo iman, waxaana ilaalinaya ciidamo badan oo booliska ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.