4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Waare oo la kulmay guddi qeyb ka ahaa howlaha gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaadu saameysay

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mohammed Cabdi Waare oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cali Gudlaawe Xusseen ayaa xalay kulan la qaatay guddiyo ka kala socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Puntland iyo ganacsato uu horkacayay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhamaantood u yimid gurmadka dadka ay fatahaadu saameysay.

Guddiyadan oo ah kuwo iskood isku xilqaamay ayaa sida garagar ay ugu talagaleen dadka ku barakacay Fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada.

Wufuudaan kala duwan oo ay wehlinayaan Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa ayaa Maanta la filayaa inay kormeer ku tagaan meelaha ay dadka ku barakaceen,sida deegaanka Ceeljaale si ay tirakoob ugu sameeyeen una gaarsiiyaan deeqaha kala duwan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka deeqaha soo gaarsiiyey sida ay ugu soo gurmadeen,isaga oo sheegay in deeqaha sidii loogu talo galay loo gaarsiin doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]