4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Al-shabaab oo markii ugu horeysay lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in markii ugu horeysay lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag Xoogag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Laamaha Amniga gobolka Sanaag xoogagga ayaa la wareegay deegaan lagu magacaabo Gacan Maroodi oo ilaa 40km u jira degaanka kale ee Yubbe.

Sidoo kale xubno ka tirsan Laamaha Amniga ayaa sheegay in xoogaggan ay la hadleen dadka deegaan, waxaana la ogaa in hadda ka hor Al-shabaab cunooyin ka iibsadeen deegaankam.

Lama oga in xoogagga tagay deegaanka Gacan Maroodi sii joogi doonaan halkaa iyo in ay uga si gudbi doonaan deegaanno kale waana markii ugu horeysay oo gobolka qeybo ka mid ah tagaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]