4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Puntland oo Somaliland ku eedeysay inay ciidamo katirsan Shabaab kusoo daabushay gobolka Sanaag

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag, sareeyo guuto, Cabdulaahi Cumar Canshuur ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in ciidamo katirsan Alshabaab oo maanta lagu arkay tuulada Gacan- Maroodi oo katirsan gobolka Sanaag ay yihiin ciidamo ay soo dirtay Soomaliland.

Inkastoo Hiiraan Online aysan hayn cadeymo arrintaas ku saabsan, ayaa hadana taliyaha ciidanka Daraawiishta gobolka Sanaag ee maamulka Puntland, wuxuu sheegay, ciidamadaan inay qeyb ka yihiin xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag oo ay ku hardamayaan Puntland iyo Somaliland.

Hiiraan Online oo la xiriirtay dad xog-ogaal ah, ayaa u sheegay in ciidamada Shabaab ee tagay degaanka gacan Maroodi ay halkaas marar badan socod ku mareen iyagoo u socday buurta Calmadow.

Guddoomiyaha Sanaag ee dhinaca Puntland oo aan qadka taleefonka ku wacnay, ayay inoo suurtoobi weyday inaan helno, si aan wax uga weydiino waxa ay ka maamul ahaan kala socdaan ciidamada halkaas tagey.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday buuraha Calmadow, halkaas oo la aamisan yahay inay ku leeyiihiin fariisimo ay kasoo abaabulaan qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah ciidanka Puntland.

Hiiraan Online