3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay guddiyada gurmadka Fatahaada ee iskood isku xilqaamay

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
11/17/2019 11:05 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Wararka Goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in xooggag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen ciidamada dowladda oo marayay deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.

11/17/2019 10:29 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in markii ugu horeysay lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag Xoogag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

11/17/2019 8:26 AM EST
Axad, November 17, 2019 (HOL )– Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadii qaranka 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 SLSH (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin Somaliland), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

11/17/2019 8:18 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta Barri iskugu yimaadaan xafiiskiisa ku yaala magaalada Hargeysa si fariimo loogu sheego.

11/17/2019 6:53 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 5 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii gaari nuuca Soomaalidu u taqaano Laylo oo aan cidina wadin uu dardaray dad ku sugnaa bartamaha suuqa magaalada Garowe.

11/17/2019 6:50 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag, sareeyo guuto, Cabdulaahi Cumar Canshuur ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in ciidamo katirsan Alshabaab oo maanta lagu arkay tuulada Gacan- Maroodi oo katirsan gobolka Sanaag ay yihiin ciidamo ay soo dirtay Soomaliland.

11/17/2019 5:32 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbalanda Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan gobolka Gedo ayaa degmada CeelWaaq kulan kula qaatay saraakiil ciidan oo ay ka mid ahaayeen kuwa AMISOM.

11/17/2019 2:47 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Dowlladda Kuwait ayaa ugu baaqday beesha caalamka ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kaddib kulankii Sabtidii Golaha Amaanku uu ka yeeshay xaalada Soomaaliya

11/17/2019 2:26 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn.

11/17/2019 12:09 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in gabi ahaanba la soo afjaray xiisadii sababatay gacan ka hadalka ee magaalada Boosaaso.

11/17/2019 12:08 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Wararka imanaya deegaanka lagu magacaabo Balihowd ayaa sheegaya in rag hubeysan weerar ku qaadeen dhalinyaro ku sugnaa hal goob iyaga oo rasaas ku furay, waxaana la sheegay in rasaastaaa uu ku dhintay qof ka tirsanaa dadkii goobta ku sugnaa.

11/17/2019 12:01 AM EST
Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa ku badan weerarrada ay geystaan dhalinyaro ka tirsan Ururka Al-shabaab kuwaa oo bartilmaameedsada xubnaha ka tirsan dowladda iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada.