4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Isbahaysiga Ururada bulshada ee ISCO oo walaac ka muujiyey muranka ka taagan guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland

 

Sabti, November 16, 2019 (HOL )– Isbahaysiga ururada bulshada madax banaan ee ISCO ayaa soo jeediyey in xubnaha lagu muransan yahay is casilaan,isla markaana waxay talooyin usoo jeediyeen madaxweynaha iyo xisbiyda mucaaradka ah.

Ururada bulshada ee madax banaan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ISCO ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca badan ee ku yimid doorashooyinkii Somaliland, waxaanay soo jeediyeen in dimuqraadiyadii Somaliland la burburin ee shacabku helaan dadkii cusbaa ee u meteli lahaa goleyaasha qaranka

“ISCO waxay ka walaacsan tahay halka ay marayso dimuqraadiyadii Somaliland, waa dal dimuqraadi ah, haseyeeshee waxay jabisay dastuurkeedii waxaana ka xunahay inay qaban waydo doorashooyinka golaha Wakiilada, Guurtida iyo goleyaasha deegaanka oo muddo dhaafay” ayey ku sheegtay baaqeedda ka dhanka ah dib u dhaca doorashooyinka.

Ururada bulshada ee madax banaan waxay soo jeediyeen talooyinkan:

Guddida cusub ee doorashooyinka waxaan usoo jeedinaynaa waxa guddida doorashooyinka loo samaystaa inay u garnaqaan musharixiinta, hadii xisbiyadii aad u qaban lahaydeen aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina waxa haboon oo aanu ku talinaynaa xubnaha lagu muransan yahay inay iska casilaan xilka la idiin magacaabay.

Xisbiyda mucaaradka ah waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka go’naato in doorashooyinka lagu qabto xiligoodii oo ay muujiyaan kor u qaaadka qiyamka dimuqradiyada.

Madaxweynaha iyo xisbiga talada haya waxaanu usoo jeedinaynaa inay ixtiraamaan dastuurka iyo isku xukunka sharciga iyo inay ixtiraamaan baahida uu shacbigu u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha goleayasha qaranka.

Sidoo kale waa inay wax ka qabtaan cabashooyinka uu mucaaradku ka qabo guddida doorashooyinka, inay la yimaadaan fikir cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siiya in la qabto doorashooyin si loo soo afjaro dib u dhaca doorahooyinka

Sidoo kale, waxay ururada bulshada usoo jeediyeen inay door fiican ka ciyaaraan sidii dalkani u noqon lahaa mid dimuqraadi ah oo ilaaliya shuruucdiisa.

Baarlamaanka Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa inay Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka; inay Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub. Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka. Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta.

Xubnaha ISO Somaliland

1. Centre for Policy Analysis

2. Centre for Youth Empowerment,

3. COMPAD Human Rights and Community Organization

4. Garsoor Social Development organization

5. Horseed Organization

6. Hope Development organization

7. Human Rights Centre

8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)

9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre

10. Somaliland Women Association (SOWA)

11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD)

12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO)

13. Hodan Women Relief Organization

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.