3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay eedaha uga yimid xisbiyada mucaaradka ah

 

Sabti, November 16,  2019  (HOL )– Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka jawaabay muranka ka jira xubnaha gudida cusub ee Komishanka doorashooyinka, kuwaas oo xisbiyada mucaaradku sheegeen inay qaadaceen oo aanay la shaqayn doonin.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu sheegay inuu raacay sidii sharcigu dhigayey,isla markaana aanay ku jirin heshiishkii xisbiyada in aan dib loo magacaabi Karin xubnihii guddidii hore ee doorashooyinka oo xubin ka mid ahi ku jiro guddidan cusub.

“ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay cadaadiska uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku hayo gobolada Soomaaliya, waxaanu yidhi “soomaaliya waad ogtihiin weerarka ay inagu hayso, oo ay ka bilaabeen markii ay ka hor yimaadeen horumarintii dekadda Berbera ee Dp world , tii ay hay’adaha kaga joojinayeen in caawimadda toos loogu geeyo Somaliland, diyaaraadihii oo ay isku dayeen in aanay hawadeena soo marin, cidii Somaliland soo dhoweysa ama marti qaada in cilaaqaadka loo jaro , Tii Tuko raq ee inagu soo weerareen baa ku xigtay, taas bay xisbiyada mucaaradku ku amaanayaan, ma waxaynu kaga dayanaa Farmaajo dhaqanka uu labaddii madaxweyne kaga xidhayo madaarka Muqdisho, dhaqankaasi iskadaa siyaasada ta Soomaalinimo maaha in madax laga joojiyo madaarkii ay ka dhoofayeen”

Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn guddida cusub ee doorashooyinka illaa inta laga saarayo xubnaha ay diidan yihiin oo ay u arkaan inay dhinac yihiin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 

 













Click here
11/16/2019 3:02 PM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Waxaa laga dayrinayaa xaaladda amni ee Jaamacadda Diridhabe, iyadoo haatan maraysa meel xasaasi ah.

11/16/2019 10:51 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Waxaa koonfurta gobolka Mudug ka ambo baxay gaadiid badan oo gurmad u siday magaalada Baladweyne, kuwaas oo muddo saddex cisho ah lagu haystay degaano katirsan Galmudug.

11/16/2019 10:21 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Ciidamadii maleyshiyo beeleedka ahaa ee uu hogaaminayay Ciise Yulux, kuwaas oo maalmo ka hor Bosaso xoog ku galay, ayaa maanta dib uga laabtay magaalada Bosaso, kadib heshiis is afgarad ah oo laga gaaray xiisadihii ka aloosanaa gobolka Bari.

11/16/2019 9:54 AM EST
Sabti, November 16, 2019 (HOL )– Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay inay soo gaadhay qoraal lagu dalbanayo in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka maadaama oo mudadii loogu tallogalay inay doorasho dhacdo ay dib uga dhacday.

11/16/2019 9:52 AM EST
Sabti, November 16, 2019 (HOL )– Isbahaysiga ururada bulshada madax banaan ee ISCO ayaa soo jeediyey in xubnaha lagu muransan yahay is casilaan,isla markaana waxay talooyin usoo jeediyeen madaxweynaha iyo xisbiyda mucaaradka ah.

11/16/2019 9:25 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Koox dhaqaatiir ah oo ka socotay dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

11/16/2019 8:21 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender iyo Wafdi uu hogaaminayo.

11/16/2019 3:34 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta meel mariyay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee nidaamka axsaabta badan.

11/16/2019 2:38 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxaa dood adag ka yeesheen qaraar ay soo gudbisay dowladda Britain oo la xiriira cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

11/16/2019 12:12 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

11/16/2019 12:09 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay guddiga sida uu sheegay maareyn doona dhaqaalaha loogu talagalay dadka ay Fatahaadu saameysay.

11/16/2019 12:05 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Dowladda Soomaaliya Xassan Xusseen Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan cadaallad iyo Garsoor u doonan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

11/16/2019 12:02 AM EST
Sabti, November, 16, 2019 (HOL)- Qoysaskii ka barakacay fatahaadii cusleyd ee dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne ayaa hadda bilaabay in ay si tartiib tartiib ah u soo guryo nodaan, kaddib markii ay magaalada ka baxeen biyihii ku dhuftay