4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2019
Guddigga Maareynta dhaqaalaha loogu talagalay Fatahaadda oo la magacaabay

 

Sabti, November, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay guddiga sida uu sheegay maareyn doona dhaqaalaha loogu talagalay dadka ay Fatahaadu saameysay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne  Waare ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 15-xubnood, waxaana ay isugu jiraan Ganacsatada Baladweyne iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga gurmadka maamulka Hirshabeelle.

Waxaa jira shaki laga qabo sida loo maareynayo gargaarka loogu talagalay dadka ay Fatahaadu saameysay kuwaa oo ay ku deeqeen dowladda Soomaaliya, beesha caalamka, dowlad gobolleedyada dalka iyo dad iskood isku abaabulay.

Hoos ka Akhriso wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]