4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2019
Qarramada Midoobey $ 18.7 M ayaan ku bixinay fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhufatay Soomaaliya

 

Jimco, November, 15, 2019 (HOL)-Isku darka $18.7 Million oo dollar ayaa loogu deeqay wax ka qabashada fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya sidaa waxaa yiri oo sheegay Isku-duwanaha Arrimaha Bani'aadannimada Soomaaliya Adam Abdelmoula

Adam Abdelmoula ayaa intaa ku daray in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka  deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF)  iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada  Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada  daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Wuxuu sheegay  in dhaqaalahani uu ku soo beegmay  xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay  daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo  nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

Qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ku dhuftay dhawaan daadad ka dhashay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da'ay qeybo ka mid ah dhulka sare ee Itoobiya, waxaana fatahaadan ay ugu sii darneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Boqolkiiba Sagaashan uu daadku qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]