4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2019
Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal ka soo yeeray Kenya oo la xiriiray heshiiskii labada madaxweyne

 

Jimco, November, 15, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibedda Kenya Monica Juma oo sheegtay in labada madaxweyne ku heshiiyeen in Kiiska Badda lagu dhameeyo qaab wada-ogol ah oo labada dal isku raacsan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa sheegay in Kiiskii Badda ee Maxkamada ICJ leysku afgarta y in Maxkamada loo daayo.

‘’Aniga ma aamisani in heshiiska labada madaxweyne uu mugdi ku jiri karo, waxaan rabaa in aan kuu cadeeyo in Kiiska Badda iyo qoddobada lagu heshiiyay aysan waxba iska quseynin, waxaana leysku raacay in xiriirka labada dowladdood wax saameyn ah ku yeelan Kiiska Badda ee maxkamada hor yaala loona daayo Maxkamada ayuu yiri’’ Wasiirka.

Wuxuu kaloo uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya mar walba kulmada caalami ah oo ay ka mid yahay kan UN-ka markii la tago ay ku celcelisay mowqifkeeda Kiiska Badda, kan ay hadda wada –gaareen labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya-na uusan waxba ka duwaneyn kuwii hore oo wali Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay mowqifkeedii hore ee ahaa in loo daayo arintan Maxkamada.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa shaki ka qaba heshiiskan la sheegay in ay wada –gaareen labada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta iyo hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo sheegtay in leysku raacay in Kiiska Badda lagu dhameeyo qaab Wada-Ogol ah oo leysku raacsan yahay raalina ka wada yihiin labada dowladdood .

Wasiir Cawad oo wax lala yaabo ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed u dhag raariciyaan  hadal ka soo yeeray Wasiir Kale ayaa yiri ‘’Horta Aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cadaadis xoog leh oo saarnaa dowladda Soomaaliya oo lagu tirtirsiinayay in ay ka baxdo Dacwadda Badda labada dowladdood-na ku dhameystaan arrimaha dhaxdooda ah wada hadal .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]