3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Kulan labo geesood ah oo Gaalkacyo uga furmay madaxweynaha Puntland iyo dhiggiisa Galmudug


Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo ku qaabilay madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulan ay labada hoggaamiye ku qaateen xarunta madaxtooyadda waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo ka socday Puntland iyo Galmudug.

Marka uu kulanka soo dhammaaday ayaa kulan gaar ah wuxuu billowday Deni iyo Xaaf,iyadoo la sheegay marka uu kulanka soo dhammaado in laga soo saari doonaa warsaxaafadeed, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Kulanka ayaa noqonaya midkii ugu horreyay oo magaalada Gaalkacyo ay ku yeeshaan madaxweynaha Puntland iyo dhiggiisa Galmudug, wuxuu ku soo aadday xilli iska horimaad uu shalay ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa labada hoggaamiye inay kulankooda diirrada ku saaran nabadda iyo xasilloonida gobolka Mudug oo labada dhinac ay ka taliyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/22/2019 10:38 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Kulankii u horreyay oo gaar ah ayaa waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ku yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxaa ku wehlinayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada maamul.

5/22/2019 10:33 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Soomaaliya dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariisteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

5/22/2019 7:07 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay go'aanka ay dowladda Kenya ku xadidday dal ku galka ,iyadoo maalin ka hor laga hor istaagay inay gudaha u galaan Nairobi mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

5/22/2019 6:51 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Kulankii golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday koraam la'aan,sida laga soo xigtay guddoonka.

5/22/2019 5:01 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeryootay 11 kalana waa ay dhaawacmeen,kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray uu ku qarxay bar kontorool oo ku dhow agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

5/22/2019 4:13 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeryooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax goor dhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

5/22/2019 2:32 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

5/22/2019 2:24 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iska hor-imaad muddo socday ayaa lagu soo warramaya inuu ku dhaxmaray ciidan ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland duleedka deegaanka Dalmalla Xagarre ee gobolka Sanaag, sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/22/2019 2:12 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iyadoo ay wali taagantahay doodda la xiriirta sababta ay dowladda Kenya ay dib ugu soo celisay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanno ayaa arrinta si ogaasho la'aan ay isugu muujisay waxaa uga hadashay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

5/22/2019 2:10 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Dugsigan oo shaqeynayay mudo Labo Sano ah kuna yaala degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa la gaarsiiyay Deeq Lacageed oo isugu jirta, hal Sano oo Kirada Dugsiga ah, qeyb ka mid ah mishaarka, lacag ay u isticmaali doonaan Shidaalka Gaadiidka u shaqeeya Dugsiga ee Ardeyda qaada.

5/22/2019 1:54 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee ku taalla magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay nabadoonnada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.

5/22/2019 1:41 AM EST
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.