4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Ciidanka Puntland iyo Soomaaliland oo ku dagaallamay Sanaag

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iska hor-imaad muddo socday ayaa lagu soo warramaya inuu ku dhaxmaray ciidan ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland duleedka  deegaanka Dalmalla Xagarre ee gobolka Sanaag, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Wuxuu iska hor-imaadka ka dambeeyay, kaddib markii ay isku dhaceen ciidan ilaalo u ahaa wasiirka waxbarashada Puntland,Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Soomaaliland ,mana cadda wali khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka oo dhacay galabnimadii Talaadadii shalay.

Balse, mas'uuliyiin u hadlay Puntland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar arbushaad ah oo uga yimid ciidan ka tirsan Soomaaliland , si nabad ahna ay u gaareen deegaannada ay ku sii jeedeen wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland.

Ma jiro warbixinno ka soo baxay Puntland iyo Soomaaliland oo lagu faahfaahiyay iska hor-imaadka ka dhacay gobolka Sanaag ee u dhaxeeyay ciidammada labada dhinac.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]