4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Warbixin : Muxuu salka ku hayaa xiriirka sii xumaanaya ee dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya

 

Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba si is daba joog ah ugu dhaqaaqeysay talaabooyin ka dhan ah xiriirka dhinaca Diblomaasiyada ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya tan iyo marka laga soo bilaabo u yeeristeedii safiirka ka jooga Soomaaliya iyadoo dhanka kalana dalkeeda waqtigaa ka soo saartay safiirka Soomaaliya.

Labada dal Soomaaliya iyo Kenya hadda xurguta ugu weyn ee ka dhaxeysa ayaa lagu micneeyaa dacwada hor taala maxkamada ICJ ee la xiriirta muranka dhinaca badda iyo waliba arinta shidaal barista oo ah labo arrimood oo marka laysku geeyo siweyn uga careysiiyay dowladda Kenya.

Kenya ayaa aaminsan in laga maarmi karo dacwada maxkamada ee ka dhanka ah muranka badda taa badalkeedana labada dowladdood arintan wada hadal ku dhameysan karaan, halka dowladda Soomaaliya-na aamisan tahay in laga war sugo oo aan laga hor dhicin go’aanka maxkamada.

Sidoo kale Kenya ayaa dhawaan hakisay duulimaadyaddii tooska ahaa ee diyaaradaha rakaabka ah ee u kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, sheegtayna in ay u weecisay magaalada Wajeer si baadhitaanno loogu sameeyo.

Arrinta Shidaalka ayaa iyana ah qoddob kale oo aysan jecleysan dowladda Kenya sida ay u maamuleyso dowladda Soomaaliya, iyadoo maalintii shaley oo ay taariikhdu ku beegneyd 20kii bisha uu Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay sharciga Batroolka.

Dowladda Kenya ayaa horay uga carootay shirkii London ee dalka Britain ka dhacay 5tii bishii Feberaayo ee sanadkan oo ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay macluumaad la xiriira sahamin shidaal oo laga sameeyey Soomaaliya.

Laakiin taa badalkeeda dowladda Kenya ayaa u arkeysay shirkaa in uu yahay mid lagu xaraashayay ama lagu iibgeeyay shidaalka ku jira xudduud baddeedka wali lagu muransan yahay.

Kenya ayaa qabsoomidda shirkan uga fal-celisay "in ay erido" safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkeeda iyo in ay u yeerato safiirkeeda ka jooga Muqdisho.

Xiisaddaas Diblomaasiyadeed ayaa markii dambe lagu xalliyay qaab wada  xaajood ah oo uu gar wadeen ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy  Axmed oo kulan isugu keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Kenya.

Tallabadii ay maalintii shalay ku xayirtay saddex xubnood oo ka tirsanaa golaha Xukuumadda iyo Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa loo arkayay jawaab durbaba Kenya ay ka bixisay go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay sharciga Batroolka oo Kenya u aragto mid aan iyaga u wanaagsaneyn.

Qoddob kale oo la leeyahay waxaa uu qeyb weyn ka yahay dagaalkan dib u soo cusboonaaday ee Diblomaasiyada labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Jubbaland.

Kenya ayaa lagu xaglinayaa in ay gacan siineyso hoggaamiyaha waqtigan ee Jubbaland Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan xiligan aysan isku wanaagsaneyn dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dhibaato weyn ku heyso Amniga deegaannada Jubbaland, iyo fara-galinta doorashada ku soo fool leh deegaannadaas. 

Ergeyga gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM oo tagay Kismaayo ayaa beeniyay in wax is badal ah lagu sameeyay ciidamada midowga Africa ee ku sugan Kismaayo, isaga ka jawaabayay warar soo baxay oo sheegayay in Amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo la wareegeen ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo laga wareejiyay ciidamada Kenya.

Si kastaba dowladda Soomaaliya oo sheeda kore kala socta hadba tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda Kenya ayaa marnaba wax jawaab ah ka bixin, lamana oga sababta aamusnaanta dheer ay u gashay dowladda oo xiligan wajaheysa caqabado siyaasaddeed oo gudaha iyo dibaddaba leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]