4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Kenya oo ka hadashay go'aankii lagu soo celiyay mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya

Talaado, May, 21, 2019 (HOL)-  Dowladda Kenya ayaa markii u horreysay ka hadashay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiir iyo xildhibaanno ay ku jireen oo loo diidday dal ku galka dalkaas, xalayna ku baryay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Waxa dhaliyay iyo mas'uuliyiinta ay dib ugu soo noqdaan Muqdisho iyaga oo aan gudaha u galin Nairobi ayaa lagu sheegay in laga rabay fiisaha dal ku galka inay kaga soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Muqdisho,sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation oo xigtay saraakiil ka tirsan Waaxda socdaalka dalka Kenya oo magacooda qariyay.

Waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku wargaliyeen inuu dhacay is beddel cusub oo dhinaca socdaalka ah, taasoo keentay in xubnaha dowladda Soomaaliya la faro inay dib ugu laabtaan Muqdisho, ayna tagaan safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dib saakay ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa kala ah,Wasiir ku-xigeenka Tamarta Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo laba Senator oo ka tirsan Aqalka Sare, kuwaasoo kala ahaa Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir,iyagoo qorshahooda uu ahaa in maanta oo Talaado ah ay magaalada Nairobi uga qeyb galaan Barnaamij uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo looga hadlayo sida loo maamulo khilaafyada ka dhasha isaga gudbidda soohdimaha.

Dowladda Soomaaliya ma jiro illaa hadda warbixin ka soo baxday oo ku aaddan go'aanka ay Kenya dal ku galka uga diidday mas'uuliyiinta ka tirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]