4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Wasiir Beyle oo sheegay inuu gabagabo marayo tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee dowladda

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiirka maaaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay tirakoobka hantida ummadda, guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada-hadalka deyn cafinta iyo muhiimada ay leedahay isku tashiga umadda.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay warbixinta ugu dambeysay ee hay’adda lacagta adduunka ka soo saartay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida wajiga saddexaad ee barnaamijka.

"Waxaan maanta ummadda  Soomaaliyeed iyo warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii uga dambeysay ee ka soo baxday IMF   International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay." ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo, wuxuu marka ugu baaqay inay ka fakaraan ammaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddanka kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.

"Waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay maalgalin ku sameeyaan dalkeenna Soomaaliya oo ay muruqooda, maskaxdooda iyo maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan baaq iyo dhiirri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan". ayuu yiri wasiirka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]