3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Xoghayaha QM Antonio Guterres: Soomaaliya waxay sameysay horumar balse waa inay la-dagaallanta xagjirnimadda

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) -  Xoghayaha Qaramadda Midoobay,Antonio Guterres  ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameeyneyso horumar ay ku dhiseeyso dolwad shaqayneysa, hase ahaatee wali ay u baahantahay in ay la-dagaallanka xagjirnimadda gacanka ka hadalka ku saleysan, argagixisadda, dagaallada, xasillooni daradda siyaasadeed iyo musuq maasuqa.

Antonio Guterres , oo Isniintii soo saaray warbixin cusub oo loo qaybiyay golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay waxaa uu ku sheegay caqabadaha hadda jira inay muujinayaan nugeyl wali ka jira faa’iidooyinkii lasameeyay, horumarkuna uu khatar ku jiro.

Muddo soddon sanno ku dhow oo dagaallo sokeeye ah , weerarrada  xagjirka ah iyo macluushu ay waddanka rafaadiyeen, weli Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa in ay kasoo kabato dhaawaca cuuryaamiyay. Laakiin Guterres waxaa uu sheegay in 'xaaladda ammaan ay weli jilicsantahay' isagoo ku saleeyay warbixintiisa intii u dhexeysay December sannadkii hore iyo horraanta bishaan May.Al-Shabaab ayuu sheegay in ay weli yihiin ' kuwa ugu weyn ee geeysta weerarrada ka dhan ah xarumaha dowladda, saraakiisha dowladda, iyo cidanka ammaanka iyo sidoo kale makhaayadaha iyo hoteelada caanka ah'.

Xoghayaha Qaramadda Midoobay waxaa uu hadalkiisa ku sii daray 'in bishii March ee sannadkaan ay waddanka ka dheceen 77 weerar, waana bishii ugu weerarrada badneyd tan iyo 2016kii.Waxaa intaas dheer ayuu yiri Geterres in ay jireen 'weerarro la xusi karo oo madafiic ah, kuwaas oo muujiyay awoodda ay al-Shabaab u leeyihiin in ay  si sax ah ubartilmaameedsadaan goobaha istiraatiijiga ah'.

Geterres, waxaa kalo uu sheegay in xilligii warbixintaan la sameeynayay la arkayay howlgallada amniga oo kordhay iyo tiro badan oo duqaymo ah oo lala beegsaday saldhiyo tababbar oo ay al-Shabaab leeyihiin iyo meelo ay isugu yimaadaan, taasi oo hoos u dhigtay awoodda ay ku howlgalaan iyo dhaq-dhaqaaqoodii xorta ahaa.

"Waxay sidoo kale duqaymuhu keeneen in ay al-Shabaab kordhiyaan dhaq-dhaqaaqooda magaalooyinka, gar ahaan Muqdisho, halkaas oo ay yartahay in xoogagooda hawada laga bartilmaameedsado." ayuu yiri Guterres.

Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sidoo kale waxaa uu warbixintiisa uga hadlay xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya,wuxuu sheegay in bangiga adduunku uu ku qiyaasay saboolnimadda iyo nuglaansha Soomaaliya in 77% dadka Soomaaliya ay ku noolyihiin meel ka hoseeysa xariiqda saboolnimadda daran ee $1.90 maalintiiba.

Waxaa intaas dheer oo ay Qaramada Midoobay codsatay Isniintii 710 milyan oo dollar  si loo caawiyo 4.5 million oo ruux oo ay abaaruhu sameeyeen, hadana ku sugan xaalad liidata.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/21/2019 4:14 PM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba si is daba joog ah ugu dhaqaaqeysay talaabooyin ka dhan ah xiriirka dhinaca Diblomaasiyada ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya tan iyo marka laga soo bilaabo u yeeristeedii safiirka ka jooga Soomaaliya iyadoo dhanka kalana dalkeeda waqtigaa ka soo saartay safiirka Soomaaliya.

5/21/2019 10:44 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku qaabilay magaalada Kismaayo wafdi uu hoggaaminayo safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ,Francisco Caetano Madeira ,taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo mas'uuliyiin kale.

5/21/2019 10:29 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha qeybta Booliska gobolka Mudug, saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacyo, Dambi Baarista iyo Isbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.

5/21/2019 10:13 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa markii u horreysay ka hadashay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiir iyo xildhibaanno ay ku jireen oo loo diidday dal ku galka dalkaas, xalayna ku baryay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

5/21/2019 8:57 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)-Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

5/21/2019 7:14 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya gudaha u galleen, islamarkaana baaritaanno ku wadaan Xawaaladdaha Soomaalida ee xaafadda Islii Magaalada Nairobi

5/21/2019 5:14 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiirka maaaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay tirakoobka hantida ummadda, guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada-hadalka deyn cafinta iyo muhiimada ay leedahay isku tashiga umadda.

5/21/2019 4:59 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho,Mehmet Yilmaz.

5/21/2019 4:48 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka oo tan iyo xalay ku xannibnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, kaddib markii loo diidday dal ku galka Kenya.

5/21/2019 3:41 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)-Roobkan oo bilaawday Abaare saacado markey aheyd 11:00 habeenimo ee xalay ayaa soo gaaraya Waabarigii saakay isaga oo si toos u dayay ku dhawaad Lix saacadood oo xiriir ah.

5/21/2019 1:37 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiir ku –xigeenka Wasaarradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahim oo ka mid ahaa Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xayiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa xaqiijiyay in warkaasi jiro, islamarkaana sugayaan sida uu hadalka u dhigay diyaaradii ku celin laheyd Soomaaliya.

5/21/2019 1:34 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Benjamin James Fender.

5/21/2019 1:20 AM EST
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta gobolka Mudug.