4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay safiirka Ingiriiska

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Benjamin James Fender.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Intaas waxaa dheer oo kulanka diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Kulanka ayaa ku soo aadday xilli safiirka Ingiriiska uu booqasho ku tagey deegaanno ka tirsan dowlad-gobolleedyada oo ay ugu horreyaan Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, balse kulanka uu wasiirka arrimaha dibadda la qaatay lama sheegin in arrimaha siyaasadda gudaha la isla soo qaaday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]