3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Dabley dad ku dishay deegaanka Banyaal oo qaarna la qabtay kuwo kalana la baadigoobayo

 

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Waxgaradka iyo ciidamada degaanka Widhwidh ayaa ku hawlan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dabley hubaysan oo dad ku laayey tuulada Banyaal oo Buuhoodle dhinaca barri kaga quman 40Km.

Dableydan ayaa shalay laba nin ku diley duleedka tuuladaas, waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah dableydan oo ahaa kii watey la hayo isaga iyo laba kale.

Sida uu u Sheegay HOL Sekriye Maxamed Ciise oo ah Saxafi ka hawl gala Widhwidh dableyda weerarka qaaday ayaa la sheegay buu yidhin in nin lagaga xidhay Hargeysa si ay madax furasho ugu qabsadaan laba injineer oo kuwa isgaadhsiinta ah ayay weerarka u soo qaadeen, waxaase difaacay buu yidhi laba nin oo meesha illaalinayey kuwaas oo ku dhintay labadoodiiba.

"Odayaasha ay nimankaas isku haybta yihiin oo wata ciidamo ayaa ku raadjooga niman loo tiranoyo in ay yihiin kuwa iyagu gacantooda ku diley labada marxuun" ayuu yidhi Sekeriye isagoo intaas ku daray in xaalku haatan degan yahay oo uu ka khafiifsan yahay sidii uu shalay ahaa.

Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii la soo dhaafay dhawr dil oo dad badan ah ayaa degaanadaasi iyo kuwa ku dhow ka dhacayey balse dhamaan waxaa looga heshiiyey si fudud waxase dhibi taagnaan doontaa hadii nimanka gacanta lahaa la soo qaban waayo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool













Click here
5/20/2019 6:14 PM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramaya inay joojisay dal ku galka laga qaato garoonka diyaaradaha (Visaha On Arrival) oo looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaannada ,wasiirrada dowladda federalka iyo madaxda dowlad-gobolleedyada,iyadoo aysan jirin wax ogaansho hore ah oo ay go'aankan ka bixisay Kenya.

5/20/2019 5:54 PM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland ayaa u jiheeyey Puntland dhabihii horumarka, Waxaana uu Madaxweynuhu golihiisa fullinta ku amray dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee ka socda dalka.

5/20/2019 2:00 PM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho.

5/20/2019 11:21 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)-Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka.

5/20/2019 10:42 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah fasalka 12-aad ee 2018/2019,kaddib markii dhowaan la joojiyay imtaaxaankii hore oo bannaanka u baxay.

5/20/2019 10:33 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa maanta magacaabay wasiiru dowlayaal cusub oo ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed.

5/20/2019 7:47 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah qalabka lagu dhisayo Dekadda Garacad oo soo gaaray magaalada Gaalkacayo.

5/20/2019 6:31 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Ciidanka difaaca hawada Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Isniin ah hawada ku burburiyay laba gantaal oo ay kooxda Xuutiyiinta Yeman ku Tuureen magaalooyinka Dhaaif iyo Jeddah oo labaduba ka tirsan mandiqada Maka Almukaram.

5/20/2019 6:23 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Batroolka oo kullamadii u dambeeyay aad looga doodday.

5/20/2019 5:01 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab dileen ilaa saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda kaddib weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degmada Waajid

5/20/2019 2:55 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL) – Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay labo eedeysane, kuwaasoo loo heysto inay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

5/20/2019 2:31 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya,Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in xukuumadda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada aysan awood u lahayn inay caddeyaan xilliga doorashada iyo sida ay u dhacayso.

5/20/2019 2:11 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dalka Marekanka, Donald Trump ayaa ugu hanjabay Iran inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

5/20/2019 1:56 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madxaweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhismaha madaxtooyadda Puntland ee magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay guddiga Amniga gobolka Mudug.

5/20/2019 1:07 AM EST
Isniin, May, 20, 2019 (HOL)–Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta meel marinta sharciga Batroolka oo hadda hor yaala xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah ajandayaal muhiim ah oo lagu wado in xildhibaannadu maanta ka doodaan.