4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qalabka Lagu Dhisayo Dekedda Garacad

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah qalabka lagu dhisayo Dekadda Garacad oo soo gaaray magaalada Gaalkacayo.

Munaasabadda kooban oo lagu qabtay goobta qalabka la keenay oo ahay deegaanka Laanta Dusmada ee duleedka Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah goleyaasha Puntland, Isimmo, Nabadoonno, Ganacsato guddiga dhismaha dekedda Garacad iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni oo Munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday muhiimadda ay Puntland u leedahay Dhismaha Dekedda Garacad

"Qalabkan oo Puntland dhammaanteed, gaar ahaan gobolka Mudug ay muddo dheer sugayeen inaan maanta halkan iyada oo nabad qabta iyo anagoo nabad qabna aan iskugu nimaadno waa guul xag Alle ka sugnaatay, mashaariicdan waaweyn oo hada laga sheekeeyey kuwa hada socda iyo kuwa imaan doona intaba dedaalka dad weynaha iyo dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen."

"Waad ogtihiin mashaariicdaas bilowgeedii xukuumadihii naga horreeyey ayaan uga mahadcelinaynaa hadday ahaan lahayd dekedaa, hadday ahaan lahayd garoonka diyaaradaha iyo kastamkaba, Dowladnimadu waa qori isku dhiib qofka sharci baa lagu doortaa sharci buuna ku shaqeeyaa sharcigaana faraya in uu danahaa dalka ka shaqeeyo." ayuu yiri madaxweynaha.

Dekedda Garacad waa mashruuc ugu ballaaran ee deegaanka oo lagu doonayo inuu ku dhismo isku-tashi bulsho, waxaana gacanta ku heysa shirkad laga leeyahay Turkiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]