4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Dowladda Sucuudiga oo Hawada ku burburisay gantaal ay soo tuureen Xuutiyiinta Yemen

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)–  Ciidanka difaaca hawada Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta  oo Isniin ah hawada ku burburiyay laba gantaal oo ay kooxda Xuutiyiinta Yeman ku Tuureen magaalooyinka Dhaaif iyo Jeddah oo labaduba ka tirsan mandiqada Maka Almukaram.

Ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama bixin  haddii ay jiraan wax khasaare oo nafeed ah oo ay geysteen gantaaladaasi ay ka hortaga sameeyeen Ciidanka difaaca hawada ee Sacuudigsa.

Kooxaha u dhaq –dhaqaaqa Nabadda ee Sacuudga ayaa bartooda Twitarka ku sheegay  in ujeedka labadaasi Saaruukh ay soo tureen Xuutiyiinta uu ahaa inay la beegsadaan magaalada Barakeysan ee Maka al-mukarama waxaana markii la soo ridayay gactaaladaasi lagu arkayay muqaal Vidiyow oo laga duubay qeybta waqooyi ee Gobolka Daif.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]