4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Trump: Haddii Iran ay dooneyso inay dagaallanto, waxey noqoneysaa dhammaadka Jirintaanka Iran

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dalka Marekanka, Donald Trump ayaa ugu hanjabay Iran inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay in la gaari doono dhammaadka Iran , haddii ay doonayaan dagaal, sida uu ku baahiyay boggiisa twitterka.Saddex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadaladdii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu Trump ku jawaabay 'ma rajeynayo'.Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Iran.

Balse,taliyaha ilaalada kacaanka Iran Sarreeye Gaas Xuseen Salaami ayaa sheegay inaysan Iran doonaynin dagaal, balse ay iska cabin doonto haddii lagu soo gardarroodo,isagoo inta ku daray inuu jiro kala-duwanaansho u dhexeya militeriga  Iran iyo kuwa Maraykanka, wuxuuna tilmaamay inay Maraykanka ka cabsadaan dagaalka, mana laha hamiga dagaalka, waa sida uu hadalka u yiri.

Xiisadan ayaa sidoo kale wal wal ku abuurtay dalalka khaliifka,iyadoo boqorka Sacuudiga uu isugu yeeray jaamacadda Carabta, kulanka oo laga doonayo in looga hadlo xiisada Iran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]