Haween danyar ah oo deeq lacageed loogu qeybiyay xarunta maamulka gobolka Banaadir
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Munaasabad ka dhacday xarunta
Maamulka Gobolka Banaadir ayna goob joog ka ahaayeen madax ka socotey hey'adda
Hormuud Foundation, maamulka Gobolka Banaadir & guddoomiyaha ururka
haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Boqol haween dan yar ah lagu guddoonsiiyey
lacag Kaash ah oo dhan $100 Dollar qof kasta, si ay ugu kaashadaan baahiyohooda
aasaasiga ah.
Basma Caamir Cumar Axmed (Shakeeti) oo ah Gudoomiye ku
xigeenka Arimaha bulshadda maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegtay in Fadliga Bisha
Barakeysan ee Ramadaan Awgeed Madaxda Hay'adda hormuud u istaageen sidii ay
dadka Fuqurada ah u Caawin lahaayeen.
Sidoo kale Basma ayaa sheegtay in maamulka Gobalka Banaadir uu uga mahad
celinayo Caawinaada shirkadda Hormuud ay ufidineyso dadka Tabaaleysan waxay ku
boorisay Umada Soomaaliyeed in ay is Caawiyaan.
Gudoomiyaha Hay'adda Hormuud Found Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Qiray
in Mar walba Maamulka Hay'adda Hormuud Foundation u taagan yihiin sidii ay
dadka Soomaaliyeed ee dhibaateyan u caawin lahaayeen.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay Dadaalo dheeraad
ah oo ay Hey'adda Hormuud Foundation ay ku caawineyso Dadka ay ku adagtahay in
ay maareeyaan Noloshooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir
Maxamed Baarqab oo Haweenkan kasoo uruurisay qaar ka mid ah qoysaska dan yarta
ah ee ee ku nool Degmooyinka Gobalka Waxay iyada oo ilmeyneysa sheegtay in
dadkan Xaaladda ay ku jiraan Awgeed ay Hay'adda Hormuud Foundation uga
codsadeen in la caawiyo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir
ayaa Madaxda hay'adda Hormuud Foundation uga Mahad celisay sida ay u aqbaleen
Codsigeedii ku aadaana in Dadkan la Caawiyo.
Qaar ka mid ah haweenka la siiyey deeqdan dhaqaale oo isugu jiray Haween
Waayeelo ah, kuwa heysta carruur Agoomo ah, kuwa aan Awoodin in ay iska bixiyan
Kiradda Guryaha, iyo qaar aan Awoodin in ay iska deberaan waxyaabaha aasaaska u
ah nolosha, ayaa waxay ay si dareen leh mahad naq ugu jeediyey Hey'adda Hormuud
Foundation, waxa ayna sheegeen in tani ay tahay mid lama filaan ah kana haqab
tiri karta baahidii ay u qabeen in ay hellaan gar gaarkan oo kale.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]