4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Qaraxyo is xigay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Axad, May, 19, 2019 (HOL)-  Dhawaqa labo qarax ayaa xilli isku dhow caawa laga maqlay caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Qaraxa koowaad ayaa xilliga afurka ka dhacay agagaarla Hotel Muna iyo Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Wayne.Wararka ayaa sheegaya in qaraxaa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray,balse wxaaan caddeyn halka bartilmaameedka ahaa, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku dhowdahay hoteelka sida weyn amnigiisa loo ilaaliyo ee SYL.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay iskuul Jabuuti oo ku yaalla degmada Wadajir, ma jiro faahfaahin qaraxa laga helay.

Sidoo kale, ma cadda illaa hadda khasaaraha ka dhashay labada qarax oo ku soo aadday xilli ciidammada amniga ay howlgallo ka waddaan qeybo badan oo caasimadda ah isgoysyadana la dhigay ciidammo dheeraad ah.

Faahfaahinta qaraxan iyo wixii ka soo kordha dib ayaan uga daalacan doontaan Hiiraan Online.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]