4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Puntland: Wasiir Goodax isaga ayaa laga rabaa inuu caddeeyo meeshu ku fashilmay Imtixaanka

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland,Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin warka uu sheegay wasiirka waxbarashadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in uu fashilmay imtixaanka Puntland.

Wuxuu sheegay wasiirka waxbarashada Puntland, in imtixaankooda uu si habsami leh ugu socdo, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu Wasiir Goodax ka helay xogta sheegeysa in Imtixaanka Puntland oo ay galayaan in ka badan 15-kun oo ardey uu fashilmay, isagoo ka dalbaday inuu dibadda u soo saaro cadeynta hadalkaas.

"Adeer wax ka jiraa ma jiraan, wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddeyn, Puntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii koowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharafleh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto". ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Maxamed.

Wuxuu inta ku daray in aysan jirin wax xiriir ah uu maamulkiisa la soo sameeyay Wasiir Goodax Barre, Imtixaanka ay sida gaarka ah u qaadanayaanna aaney jirin wax dhibaata ah oo qabsatay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]