4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya una codeynaya ajandayaal muhiim ah

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii 15aad Kalfadhigoodii 5aad, iyadoo kulanka maanta lagu eegi doono saddex Ajande oo mid ka mid ah xildhibaannadu u codeyn doonaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay maanta u codeeyaan heshiiska Caalamiga ah ee Naafadda, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa kulankooda maanta isla eegi doona warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo.

Warbixinta ayaa la filayaa in si faah faahsan lagu soo bandhigo khasaarooyinka loo geystay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana uu Baarlamaanka ka soo saari doonaa qaraar.

Ajandaha saddexaad ee kulanka maanta oo Sabti ah ay isugu imanayaan xildhibaannada ayaa noqonaya  akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga Saxaafadda oo wax ka bedel lagu sameeyay qodobada sharcigaasi oo ay horay uga horyimaadeen qaar ka mid ah bahda warfaafinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]