4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Faah faahin ku saabsan wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Sida ay goobjoogayaal sheegeen rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Nin dhalinyaro siweyn looga garanayay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxdii toogashada geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Wiilkan toogashada lagu dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed ayaa ka mid ayaa la sheegay in goob Timo Jare ah uu ku lahaa degmada, isaga oo dhinaca kalana ka mid ahaa dhalinyarada firficoon ee sida weyn looga garanayay degmada Kaaraan guud ahaan.

Dilka kaddib waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dadkii ka dan-beeyay dilka.

Ma’aha markii ugu horeysay dilalka noocan oo ee lagu bartilmaameedsado dhalinyarada magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer oo hore sidan oo kale toogasho lagu dilay dhalinyaro magac weyn ku dhax lahaa bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]