4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Xeer-Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya iyo INTERPOL oo ku dhaw in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa digniin u diray ganacsatada iyo cid walba oo ku lug leh saaridda iyo dhoofinta dhuxusha,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

"Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha." ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo inta ku daray "Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya."

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusanXeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]