4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Muqdisho: Nin gaari qarax ku xirayey oo la qabtay, halka mid askari dhaawacay la toogtey

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ruux miino ku dhejiyay gaari ka hor inta uusan qarxin,iyada oo gaariga uu ku qarxay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya oo ku dhow hotelka Maka Al Mukarama ee caasimadda Muqdisho.

Ma jirto khasaaro dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay qaraxa marka laga reebo in isla gaariga uu soo gaarey burbur xooggan, wallow aanan wali la ogayn shaqsiga iska leh baabuurka. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dad shacab ah ayaa wargeliyay ciidanka amniga xilliga gaariga lagu xirayay qaraxa waxaana markiiba goobta gaaray ciidanka amniga.

Ninka falkan lagu qabtay  oo laamaha ammaanka  ay wateen ayaa su'aallo lagu waydiinaya xarunta dambi baarista ,iyadoo la filayo in maxkamad la horkeeno, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Docda kale, laamaha ammaanka ayaa waxay isgoyska Bakaaraha ku toogteen ruux dhaawacay askari ka tirsan booliska, balse waxaa baxsaday qof kale oo la socday ninka ay ciidanka amniga toogteen.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay ruuxa la toogtay inuu ka tirsanaa ururka al-Shabaab, xilligana lagu daba-jiro ruuxa kale ee baxsaday.

Falalkan ayaa ku soo aaddaya xilli ciidanka amniga feejignaan dheeraad ah la galiyay,iyadoo inta badan la soo dhoobey isgoysyada Muqdisho ciidammo dheerad ah oo ka tirsan booliska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]