4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay waxyaabaha fashiliyay shirkii Garoowe iyo sababta ay DFS muddo korarsi uga diidday Xaaf

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha dhaliyay inuu fashilmo shirkii Garoowe iyo arrimaha ay isku diiddanyihiin dowlad-gobolleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray inuu shirka uu fashilmay, maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wadda fariisteen madaxda dowladda iyo kuwa maamul-gobolleedyada oo aan yeelan muddo ku dhow sannad shirkii golaha amniga Qaranka.

"Annagu waxaan soo jeedinay in shirkaasi looga hadlo arrimaha amniga, maaddaama amniga ugu weyn yahay muhiimada koowaad, dowlad gobolleedyada madaxdoodana ay qeyb ka yihiin golaha amniga Qaranka, arrintaasi waa nalagu diidday waxaa la yiri waxaa laga hadlayaa marka hore Siyaasada in laga heshiiyo, ma xumo Siyaasada in laga heshiiyo macnaheedu waxey tahay waa dood furan". ayuu yiri Farmaajo.

Balse, wuxuu ku eedeyay maamul-gobolleedyada inay doonayeen sameynta Madal aan sharci aheyn, isagoo xusay in horay loo soo arkay Madal wixii khasaare iyo faa’ido ay laheyd la ogaa, sidoo kale waxaa uu xusay in dowlad-gobolleedyada ay doonayeen in gacanta loo geliyo sharciga doorashooyinka oo iminka hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana uu marayo waddada sharciga.

Farmaajo,  ayaa tilmaamay inay doonayaan inay sameeyaan dhaqan ka duwan dhaqankii hore loo yaqaanay oo ah in shacabka ay dib ugu celiyeen awoodda oo ay ayaga wax soo doortaan, halkii dad tiro yar ay wax soo xuli jireen, lana cambaareyn jiray, isagoo meesha ka saaray arrinta muddo kororsiga, waxaa uu xusay in aan hal maalin cidna wax loogu dareyn, isla markaana dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada aanay mid wax ku darsaneyn oo ay tahay arrin aan wanaagsaneyn muddo kororsiga, dalkana ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda dhacda.

"Balse waxaan soo jeedinay hab raac la marsiiyo oo ay dib u heshiisiin, maamul-gobolleedyada waa nagu raaceen, balse madaxweynaha Galmudug markii tashi geliyey wuu is-beddelay." ayuu yiri madaxweynaha oo marka xaqiijiyay in uu jiray codsi ka yimid Axmed Ducaale Xaaf oo ku saabsanaa in muddo kordhin la sameeyo.

"Arrinta Galmudug arrimaha kale way ka duwan tahay waanu aragnay dhibka jira, haddii la yiri khilaafka Galmudug lama xallin waa la xalliyey, qofka markii xannuunsan yahay oo daawo loo qoro isaga ayaa iska leh go'aanka uu ku qaadanayo.. walaalkey madaxweyne Xaaf ma aqbalin dawada ma qaadan.. haddii muddo kororsi la doonayo dadka reer Mudug iyaga ayaa go'aan ka gaari kara". ayuu raaciyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ku soo daray khudbad dheer oo uu ka jeediyay munaasabadda 15-ka May oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay  inuusan qorsheynayn muddo korarsi uu sameysto marka ay u dhammaato muddada haatan u harsan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]