4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Jidadka Muqdisho oo intooda badan xiran

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku waabariistay saakay inta badan jidadka magaalada Muqdisho oo xiray, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dadweynaha  ka celinayaa wadooyinka la xiray.

Waxaa ka mid ah wadooyinka aan loo ogleyn in ay gaadiidka isaga kala gudbaan Isogyska Banaadir, Zoobe iyo jidad kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Dadka shacabka ayaa la arkaya iyaga oo Lug ku gaaraya goobahooda shaqo iyo waxbarasho,. Lamana oga ilaa iyo hadda sababta keentay in jidadka la xiray subaxnimadii hore ee saakay.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka dhacayay falal amaanka ka dhan ah, gaar ahaan qaraxyo iyo weerarro toos ah oo ay ka geysanayaan xoogagga Al-shabaab oo weerarkoodii ugu danbeeyay ku qaaday dhismayaal ay degan yihiin wasaarraddo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]