Ciidamo ku hanjabay in ay isaga soo bixi doonaan Aagagga dagaalka gobolka Shabeellaha Hoose
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dowladda
Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid wajaheysa culeys uga imanaya dhinaca
ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka cabanaya mushaarax la’aan dhowr
bilood ah oo soo food saartay.
Qaar ka tirsan ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha
Hoose ayaa ku hanjabay in ay isaga soo bixi doonaan Aagagga dagaalka iyo
deegaannada ay gobolka uga sugan yihiin haddii aan jawaab degdeg ah laga siin
cabashadooda.
“Waxaan joognaa degmada Baraawe shan san iyo afar
bilood,waxaana hadda naga maqan mushaar iyo raashin muddo afar bilood ah,qof
baahana ma difaaci karo cadowga deyna waa naloo diiday maqaayadaha
magaalada.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada xoogga dalka.
Horay waxaa sidan oo kale isla gobolka
Shabeellaha Hoose isaga soo baxay deegaannadii ay ku sugnaayeen ciidamo ka
tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaana markiiba deegaannadaas la wareegay
xoogagga Al-shabaab.
Ciidamadan gadoodka ka sameeyay degmada Baraawe
ayaa sheegay in ay qabaan dhibaato ka duwan tan ciidamada kale ee dowladda ka
cabanayaan, iyaga oo sheegay in Labo Askari oo isku xuquuq iyo shaqo ah midna
uu Mushaar qaado halka kan kalana uusan wax mushaar ah helin muddo dheer.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u
xalin laheyd cabashada ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed, iyadoo arintan u
saartay guddi heer Wasiirro ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]