4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir oo la soo bandhigay

Axad, March 24, 2019 (HOL)-  Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayo Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan waaxyaha Maamul ee arrinkan u xilsaaran.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey guulihii laga gaaray wajigii hore ee Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Hawlaha Guud oo ay ka mid tahay hirgelinta 6 waddo oo laami ah, kuwaas oo halbawle u ah isu socodka Caasimadda, dib u dhiska Xarumaha Degmooyinka Wadajir, Hodon, Hawlwadaag iyo Yaaqshiid.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in ilaa haatan la hirgeliyey labo xarumood oo ah kuwa Dabdamiska, iyadoona la qorsheynayo in la sii kordhiyo xarumahaas si ay uga jawaabaan khataraha shilalka dabka oo marar badan galaaftay nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

 Khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Hawlaha Guud ee Caasimadda ayaa la wadaagay Guddoomiye Yarisow halbeegyada iyo jaangooynta waqti ee lagu xaqiijin karo Tubtan, iyagoona tilmaamay in ay waxtar weyn u leedahay muuqaalka guud ee Caasimadda iyo nolasha bulshada.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijka Baahinta Adeegyada Asaasiga ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sii kobcin lahaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]