3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Madaxweyne Biixi oo khudbad sanadeedkiisii ka jeediyey labadda gole Baarlamaan


Axad, March 24,   2019  (HOL)- Madaxweyne Biixi ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey labadda gole baarlamaan, taas oo ahayd khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd.

Madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo mudadii uu xilka hayey oo ahayd sanad iyo saddex bilood wixii u qabsoomay, sidoo kale, waxa uu ka hadlay amniga, caafimaadka, beeraha, dhaqaalaha, abaaraha iyo isbedelka cimiladda.

“Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega.”ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu sameeyey daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso, waxaanu yidhi  “ Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.”

Madaxweynuhu sheegay in qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa.

- Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka.

Xaga waxbarashada mar uu ka hadlayey waxa uu sheegay in 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

- Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka.

- Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday.

- Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda.

- Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta.

- Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka.

- Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

Xaga biyaha waxa uu sheegay inuu kordhiyey biyo soo saarka geedeeble 21%, waxa la dhamaystirey dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM.

• Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa.

• Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM.

Mar uu doorashooyinka ka hadlayey waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku.

Mar kale waxa uu ka hadlay ictiraaf raadinta, waxaanu yidhi ‘Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah.Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.”

“Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah.Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba.”ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Soomaaliya oo uu sheegay inay amni daro ka waddo gudaha Somaliland, waxaaanu yidhi “Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka.”

Khudbadda madaxweynaha oo aad u dheereed, waxaanu ka soo qaaday qaybo kooban, oo uu kaga hadlayey, arrimaha Soomaaliya, ictiraaf raadinta, mudadii uu joogay wixii u qabsoomay.

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 

 

 

 











Click here
3/24/2019 11:33 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Khadar Jikre iyo Axmed Nur Sh Maxamed saahid oo ahaa Siyaasiyiin degaanka u dhashay ayaa ciidamada amniga ee degaanku xabsiga u taxaabeen.

3/24/2019 3:39 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda.

3/24/2019 1:28 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Warbaahinta Kenya ayaa laga soo xigtay in caawa fiidkii qeybo ka mid ah dalka Kenya laga dareemay dhul –gariir, kaddib markii uu qadar yar oo kooban dhulku ruxmay.

3/24/2019 11:37 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayo Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan waaxyaha Maamul ee arrinkan u xilsaaran.

3/24/2019 11:31 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey gurigooda oo in mudda ah gacantooda ka maqnaa, gurigan la wareejiyey ayaa waxa uu yahay guri caan ah loona yaqaano Sarta Beyxaani ee degmada Shibis.

3/24/2019 11:18 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaciyay liiska golaha cusub ee deegaanka degmada Gaalkacyo,kaddib markii la kala diray golihii hore ee deegaanka.

3/24/2019 9:04 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ee Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ku geeryooday weerar ay al-Shabaab ka geysteen Sabtidii shalay xarunta wasaaradda shaqada.

3/24/2019 6:21 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,iyadoo oo booqashada ay qaadan doonta muddo laba maalmood ah .

3/24/2019 3:12 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu magacaabay gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland oo ka kooban ilaa todoba xubnood.

3/24/2019 2:16 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Daacish.

3/24/2019 1:36 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 ruux.

3/24/2019 1:11 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan amniga looga hadlayay oo ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

3/24/2019 12:51 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Kaddib Qaraxyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho tallaabadii ugu horeysay oo ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa noqotay isbadal lagu sameeyay taliyayaasha saldhigyada Booliiska gobolka Banaadir.

3/24/2019 12:22 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada.