4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Bangiga ganacsiga ee Itoobiya oo 35.6 milyan ugu deeqay barakacaayasha degaanka Soomaalida

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Bangiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa lacag gaadhaysa 35.6 milyan oo birr ugu deeqay barakacayaasha degaanka Soomaalida, lacagtan ayaa kamid ahayd 100 milyan oo bangigu ugu deeqay guud ahaan degaamada dalka Itoobiya.

Haddaba lacagtan ayaa lafilayaa inay wax badan ka badasho xaaladda ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin barakacaasha degaanka Soomaalidu.

Degaanka Soomaalida ayaa waxaa ku sugan dad aad u tiro badan oo kasoo barakacay degaanka Oromiya kaddib colaadihii kasoconayay in muddo ahba, waxayna dadkaa barakacayaashu badankood la dajiyay goobta lagu magacaabo Qolaji. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]