4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Madaxweyne Farmaajo : Dowladda Soomaaliya talaabo ayeey qaadi doontaa

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa oo u tacsiyeeyay eheladda dadkii ku dhintay qaraxyadii maanta, waxaana uu madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah qaadi doonto.

Madaxweynaha ayaa yiri’ Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]