4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Wasiir ku-xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha oo lagu dilay weerarradii maanta ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa maanta ku geeriyooday weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaarradda,

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxana gaaridiisa xaqiijiyay qaar ka mid ah gobolaha Wasiirradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha ugu jiraan dhismaha wasaaradda.

Dhinaca kale ciidamad dowladda ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii wasaarradda iyaga oo toogasho ku dilay afar dabley ah.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa degan labo Wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]