4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Faah faahin dheeraad ah qaraxyo lagu weeraray xarumo dowladdeed magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xigxigay ayaa kan hore waxaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshadda dowladda Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

Qaraxa labaad oo daqiiqado kaddib dhacay ayaa loo adeegsaday gaari ay ka soo degeen rarag hubeysan oo gudaha u galay xarunta.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal culus ka wadda gudaha wasaaradda, waxaana muuqata in qaar ka mid ah shaqaallaha wasaaradda oo laga soo badbaadinaayo goobta, waxaana daaqadaha la saaray jaran jarooyin.

Waxaaa jira khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada, walina waxaa shaqeynaya oo halkaa ka qaadaya dadka ay wax yeeladu soo gaartay gaadiidka gurmadka degdega.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda xiligan mid sii xumanayaa waxaana joogta uga dhaca qaraxyo farsamooyin kala duwan loo adeegsado, ilaa iyo haddana majiro wax war ah oo ay laamaha nabad-galyada ka soo saareen arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]