4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhul isdhaafsi

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Mevlut Cavusoglu.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaddib waxaa ay kala saxiixdeen heshiis dhul isdhaafis labada dowladood ah, iyadoo dowladda Turkikga ay siisay Soomaaliya ay ka dhisan karto saafarad si la mid ah Soomaaliya oo horay Turkiga ugu deeqday dhul baaxad leh oo kaabiga ku haya xeebta Jasiira.

Dowladda Turkiga ayaa siisa dowladda Soomaaliya taageerada ugu weyn, waxaana ay Muqdisho ku leedahay saafaradda ugu ballaaran guud ahaan marka la eego qaaradda Africa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]