3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Galmudug oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda federaalka

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Waxaa muuqanaya khilaaf mar kale soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedka Galmudug, kaddib war ay dhawaan soo saartay wasaarrada arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug la qabanayo bisha July ee sanadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in Galmudug aysan u baah-neyn fara-gelin, islamarkaana Dastuurkeeda ay u madax banaan tahay iyo xilliga ay dhaceysa doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka isaga oo ka jawaabayay hadalkii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in deegaanada Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu xilka haayo halsano kaliya,islamarkaana waqti xileedkiisa uu ku egyahay sabadka 2021 oo ay doorashada dhaceyso.

Waxaa uu madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey in ay doonayaan in ay burburiyaan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah,isla mrakaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
3/22/2019 2:28 PM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar kale soo hadal qaaday arinta ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay ayaa sheegtay in ay soo martay ciidamada muddo sanad oo wax mushaar ah aan la siin.

3/22/2019 10:57 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga ayaa Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ugu baaqday kulan deg-deg ah oo ka dhici doona Maanta Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga, sida ay qortay Jariiradda Daily Sabah.

3/22/2019 10:34 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xiray ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.

3/22/2019 8:05 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Afar arday ayaa ku geeryooday 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

3/22/2019 7:49 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa dardar galisay u qareemidda haweenka doonaya inay ka mid noqdaan golayaasha deegaanka ee Puntland.

3/22/2019 6:30 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed oo markii ugu horeysay ka hadlay gadoodka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mishaar la’aanta ka cabanaya ayaa sheegay in marnaba Wasiirradu raali ka noqon doonin la dulmiyo ciidamada.

3/22/2019 1:07 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Munaasabad iskugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey afaafka hore ee masaajidkii lagu laayey dad Musliim ah magaalda Christchurch ee dalka New Zealand.

3/22/2019 12:26 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay.

3/22/2019 12:15 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa siyaasaddi Mareykanka uu aaminsanaa xagga kale u rogay kaddib marki uu sheegay in la joogo xilligi buuraha silsiladda ee Golan oo ay Israa'iil qabsatay 1967-kii loo aqoonsan lahaa iney ka mid yihiin dhulka Israa'iil.